Ciidamada booliska ayaa weerar ku qaadey guriga barasaabka dowlad deegaanka Trans Nzoia George Natembeya.
Saraakiisha booliska iyo dambi baarayaasha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa tagay guriga barasaabka Trans Nzoia George Natembeya oo ku yaala magaalada Kitale.
Ciidamada booliiska ee ka hortagga rabshadaha ayaa kala eryay dad aad u badan oo isugu soo baxay bannaanka guriga Natembeya si ay u difaacaan barasaabkooda.
Xisbiga DAP-K ayaa bayaan uu soo saaray maanta oo isniin ah ku xaqiijiyay in ciidamo booliis ah iyo saraakiil ka tirsan EACC ay si lama filaan ah u tageen guriga Natembeya ee magaalada Kitale.
Arrintan ayaa timid kadib markii hogaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka uu kashifay qorshe la sheegay in lagu xirayo Natembeya.
Taagerayaasha Natembeya oo ka carrooday arrintan ayaa gubay taayaro iyagoo muujiyay sida ay uga xun yihiin in ciidamo ay weerar kuq aadaan guriga barasaabka dowlad deegaanka Trans Nzoia.
Xulafada baarsaabka Trans Nzoia ayaa ka hadlay arrintan oo uu hogaaminayay Wamalwa.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Ciidamo Booliis ah oo saaka hawlgal ka sameeyay guriga Barasaabka ismaamulka Trans...