DHEGEYSO:Murkomen oo digniin u diray Gachagua

0
199

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen ayaa si kulul u cambaareeyay hadal uu dhawaan jeediyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay nasiib darro tahay in qof xil sare ka soo qabtay dowladda uu soo saaro digniin ah in sanadka 2027-da ay dalka rabshad ka dhici doonto.
Murkomen ayaa hadalka Gachagua ku tilmaamay mid halis ah oo laga dheehan karo mas’uuliyad darro.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aan marnaba la oggolaan doonin in Kenya ay ka dhacdo shaqaaqadii dhammaadkii sanadkii 2007-dii iyo horrantii 2008-dii ka dib natiijadii doorashada guud ee lagu murmay.
Wasiir Murkomen ayaa intaasi ku daray in hadalka Gachagua uu yahay mid ka hor istaagi karo in laga mamnuuco xafiis dadweyne.
Waxaa uu ku celceliyay in aynan jirin cid sharciga ka sarreysa sidaasi awgeedna qof kasta oo rabshad abuuraya laga qaadi doono tallaabo adag oo dhanka sharciga ah.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa dhankiisa xilli uu maanta ku sugnaa deegaanka Gatanga ee ismaamulka Murang’a beeniyay inuu yiri shaqaaqo ayaa dhici doonto.

Waxaa uu xusay in shacabka ay doonayaan in lala xisaabtamo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC si aan loo musuqmaasuqin natiijada doorashada guud ee 2027-da oo dhibaato looga baaqsado.