Martha Karua oo ah hogaamiyaha xisbiga PLP ayaa sheegtay in maanta oo Axad ah loo diiday in ay gasho Tanzania.
Qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada subaxnimadii Axadda, ayaa Karua waxaa ay ku sheegtay in iyada oo ay wehliyaan laba ka mid ah dadka u dooda xuquuqda aadanaha Gloria Kimani iyo Lynn Ngugi lagu xiray garoonka caalamiga ah ee Julius Nyerere ee Tanzania.
Saddexda qof ayaa ku wajahnaa dalka Tanzania kadib markii ay casuumaad ka heleen ururka qareenada ee Bariga Afrika.
Sida laga soo xigtay Karua, waxaa ay timid Tanzania 9.00 subaxnimo, sarkaal ka tirsan socdaalka ee garoonka diyaaradaha ayaa baasaboorkeeda u gudbiyay kormeeraha.
Kormeeraha ayaa sheegtay in ay sugaysay muddo saacad ah iyada oo “la tashanaysay madaxdeeda”, kuwaas oo markii dambe u diiday inay soo gasho Tanzania.
Karua oo ah qareen sare ayaa sheegtay in diidmada gelitaanka ay la xiriirto xiisaha ay u qabto kiiska ka dhanka ah hoggaamiyaha mucaaradka Tanzania Tundu Lissu. Guddoomiyaha xisbiga Chadema ayaa 10-kii bishii hore ee April lagu soo oogay dacwad khiyaano qaran ah kaddib markii lagu xiray isu soo bax dadweyne oo uu ku baaqay in isbedel lagu sameeyo doorashada.
Karua ayaa tan iyo markaas hogaaminaysay koox u ololaysa xuquuqda Afrikada Bari oo doonaysay in la sii daayo Lissu iyo in la laalo eedaha siyaasadaysan ee ka dhanka ah.
Karua, Ngugi iyo Kimani ayaa lagu waday inay ka qayb galaan dhageysi la xiriira kiiska Lissu, oo loo qorsheeyay Isniinta 19-ka bishan May ee maxkamada Kisutu.