132 ka mid ah booliiska dalka oo la turxaan bixinaya

0
617

Guddiga adeegga qaran ee booliiska ee NPSC ayaa turxaan bixin ku sameynaya 132 ka mid ah saraakiisha booliiska.
Ciidamadan ayaa ah taliyeyaasha sare oo uu u soo idlaaday tababar heerkiisu sarreeya.
Edwin Cheluget oo ka mid ah saraakiisha sare ee guddiga adeegga qaran ee booliiska iyo madaxa fulinta ee guddigan Peter Leley ayaa shir jaraaid ka sheegay in qorshuhu uu yahay in turxaan bixinta ay socoto muddo labo toddobaad ah.
Waxaa ay intaasi ku dareen in su’aallo waydiinta saraakiisha booliiska looga gol-leeyahay in la dallacsiiyo.
Tababarka ay qaateen oo socday muddo 6 bilood ah ayaa lagu qabtay machadyada booliiska lagu tababaro ee Kiganjo iyo Emali.
Guddiga NPSC ayaa ballan qaaday in geeddisocodka turxaan bixinta uu noqonaya mid cadaalad ah oo daahfuran si loo dallacsiiyo saraakiisha u qalma in loo kordhiyo jagada .