Barlamaanka Uganda oo soo bandhigay hindise sharciyeed cusub

0
379

Dowladda Uganda ayaa Talaadadii horgeysay baarlamaanka dalkaas hindise sharciyeedka ogolaanaya in maxkamadaha militariga ay dacwad ku soo oogaan dadka rayidka ah, bilo ka dib markii maxkamadda ugu sareyso dalkaas ay go’aamisay in dhaqankaasi uu yahay mid ka hor imaanaya dastuurka waddanka.
Xukunka maxkamadda ugu sareyso Uganda ee Supreme Court ee bishii Janaayo ayaa ku qasbay dowladda in ay u wareejiso dacwadda siyaasiga mucaaradka ah iyo musharaxii hore ee madaxweyne Kizza Besigye maxkamad rayid ah, halkaas oo dacwad oogayaasha dowladda ay ku soo oogeen dambiyo dhowr ah oo ay ku jirto khiyaano qaran.
Xulafada siyaasadda iyo qareennada Besigye oo afar doorasho uu kaga adkaaday madaxweyne Yoweri Museveni ayaa sheegay in eedeymahan ay yihiin kuwo siyaasadeysan.
Wasiirka Gaashaandhigga ee Uganda Jacob Marksons Oboth ayaa shalay oo talaado eheed horgeeyay hindise sharciyeedka ciidamada Uganda ee 2025-ka, iyadoo loo gudbiyay guddiga baarlamaanka si ay u baaraan.
Dadka rayidka ah waxaa la horgeeyni doonaa maxkamadaha militariga xaalado gaar ah, sida marka ay si sharci darro ah u heystaan hub, rasaas ama qalab sida caadiga ah ee ciidamada difaaca,” sida uu qabo qaybo ka mid ah hindise sharciyeedkaas oo ay aragtay wakaalada wararka ee Reuters.