Trump oo gaaray magaalada Riyadh ee Sacuudiga

0
557

Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump ayaa maanta gaaray magaalada Riyadh ee caasimadda dalka Sacuudi Carabiya, isagoo halkaas ka bilaabay socdaalkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo markii mar labaad uu hoggaaminta Mareykanka ku soo laabtay. Waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay dhaxalsugaha Boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, iyadoo diyaaradaha dagaalka ee F-15 ay galbinayeen diyaaradda Air Force One astaamo muujinaya xiriirka xooggan ee labada dal.
Labada hoggaamiye ayaa ku kulmay Terminalka Boqortooyada ee garoonka Boqor Khaalid, halkaas oo ay wadaageen qaxwo dhaqameed iyo wada-hadal kooban oo saameyn leh. Socdaalkan ayaa muujinayaa xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Sacuudiga, gaar ahaan dhanka amniga, ganacsiga iyo tamarta.
Madaxweyne Trump waxaa socdaalka ku wehelinaya masuuliyiin sar-sare oo ay ka mid yihiin; Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, Howard Lutnick Xoghayaha Ganacsiga, Pete Hegseth – Xoghayaha Difaaca iyo Xoghayaha Tamarta Chris Wright.
Tani waa bilowga safar muhiim ah oo saameyn weyn ku yeelan kara siyaasadda gobolka iyo xiriirka caalamiga ah ee Mareykanka