Kenya oo doonayso inay afar jibaarto shaha ay u doofiso Shiinaha 2030

0
390

Kenya ayaa waxaa ay beegsanaysaa in ay kor u qaado shaha ay u dhoofiso Shiinaha in ka badan afar laab lixda sano ee soo socota.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Xoolaha, Mutahi Kagwe, ayaa Isniintii sheegay in ujeedadu tahay in la kordhiyo shaaha ay Kenya u dhoofiso Shiinaha kaasoo sanadkii hore ahaa 12.42 milyan oo kiilogaram lana gaarsiiyo 50 milyan oo kiiloogaraam marka la gaaro 2030-ka.
Hadalkan ayuu ku sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray kaddib kulan uu la yeeshay Zhang Chaobin oo ah guddoomiyaha shirkadda Fuzhou Benny ee Shaaha.
Kagwe ayaa sheegay in kulanka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu doonayo in lagu kobciyo raadka ay Kenya ku leedahay suuqa shaaha ee Shiinaha iyo kordhinta wax-soo-saarka loo dhoofiyo dalalka Aasiya.