Israa’iil ayaa sheegtay in sii deynta Edan Alexander, oo ah maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah,fududeyn doonin weerarada ka dhanka ah Qaza.
Tan ayaa imaanaysa ka dib markii Ururka Xamaas ay sheegtay inay sii deyn doonto Edan Alexander, kaas oo lagu tuhunsan yahay inuu yahay maxbuuskii ugu dambeeyay ee haysta dhalashada Mareykanka ee weli nool gudaha Qasa, taasoo qayb ka ah dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin.
Go’aanka ayaa yimid kahor booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku tagayo Bariga Dhexe maalinta Talaadada.
Xamaas ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadani qayb ka tahay fududeynta heshiis lagu ogolaanayo in gargaarka bani’aadannimo uu tago Qasa.
Qasa ayaa ku jirtay go’doon dhanka Israa’iil ah muddo 70 maalmood ah.