Shir ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo odayaasha laba beel oo dhawaan maleeshiyaadkoodu dagaal ku dhex maray deegaano ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa gaaray heshiis hordhac ah oo lagu raadinayo xal kama danbeeys ah oo la kala dhex dhigo beelaha iyo maleeshiyaadka dirirtu ka dhex dhacday
Ugaas Xasan Ugaas Maxamad Ugaas Nuur oo hoggaaminayey shirka ayaa idaacadda Star Fm u sheegay qodobada la isku afgartay oo ay ku jirto mudeeynta shirka weyn iyo guddi loo saaray in ay ka dhex shaqeeyaan xoola dhaqatada inta laga gaarayo gogosha weyn.
Waxaa uu qadka taleefoonka ugu warramay Cubeyd Xasan Maxamuud oo nooga soo warramo gobolka Galgaduud
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Waxgaradka iyo odayaasha laba beelood oo ku dagaalamay Matabaan oo heshiis hordhac...