Dci-da oo gacanta ku dhigtay rag lala xariirinayaa dhac

0
220

Ciidamada dambi baarista ee deegaanka Athi River ayaa gacanta ku dhigay 3 qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen falal dhac ah oo ka dhacay deegaankaas.
Sida laga soo xigtay Agaasinka Baarista Dambiyada (DCI), Kelvin Baraza Andayi oo loo yaqaan Kevoo, Titus Mutuku Maingi oo loo yaqaano Tush, iyo Jack Wilshere Kimati ee Jack ayaa la xiray ka dib markii ay booliiska sameeyeen hawlgal si wanaagsan loo soo agaasimay.
Waxaa lala xiriirinayaa dhac rabshado wataa oo ka dhacay Shirkadda Sanergy Limited ee EPZ ee Kinanie, Athi-River 23 –kii bishii Febraayo ee sanadkan 2025.