Shirka golaha wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboleedyadda Xubnaha ka ah oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17-ka September ee sanadkii hore lagu gaaray magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ka furmo Muqdisho.
Inta badan Madaxda maamul goboleedyada ee shirkan ka qeyb galeysa ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kale la filayo in uu madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu maanta soo gaaro Muqdisho si uu qeyb kaga noqdo shirka.
Waxaa Shirka guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble oo la wareegay maamulka Doorashada.
Shirkan oo ay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkuba aad isha ugu hayaan ayaa dhaqdhaqaaqiisa aad looga dareemayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Caasimadda Muqdisho iyo Warbaahinta Soomaalida qeybaheeda kala duwan.