Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi ayaa kulan heer sare ah la qaatay saraakiishiisa ugu sareysa ciidamada iyo kuwa ammaanka oo uu ku jiro wasiirka gaashaandhigga Rajnath Singh, iyadoo ay jirto xiisadda Pakistan.
La taliyaha amniga qaranka Ajit Doval iyo madaxda ciidamada, badda iyo ciidamada cirka ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa.
Xafiiska Modi ma uusan shaacinin faahfaahinta kulanka, laakiin shirkaas wuxuu imaanayaa ka dib markii Pakistan ay gantaallo iyo diyaarado Drones ah u adeegsatay inay ku garaacdo goobaha millitiry ee dalka Hindiya