9 xildhibaan oo doonaya in ismaamullada wadanka la kordhiyo

0
340

Iyadoo nidaamka dowlad wadaajinta uu wadanka ka dhaqan galay 10 sano ka hor ayaa sagaal xildhibaan oo ka tirsan golaha qaran ee xeer dejinta ay soo jeediyeen in ismaamullada dalka la kordhiyo.
Waxaa ay doonayaan in dowlad deegaannada wadanka oo hadda ka kooban 47 ismaamul la dhigo 56.
Soo jeedintan ayaa la doonaya in loo gudbiyo baarlamaanka si ay mudanayaasha uga doodaan.
9-ka xildhibaan ayaa doonaya in deegaan baarlamaneedyada kala ah, Kuria, Teso, Mount Elgon, Bariga Pokot, Mwingi, Gucha, Suba, Ijara iyo Galbeedka Nakuru in loo aqoonsado ismaamullo.
Maamulka la daadajiyay ayaa dalka ka dhaqan galay sanadkii 2013-kii.
Waxaa dhanka kale soo baxayay dareenno kala duwan oo ku aaddan guulihii laga gaaray maamul daadejinta.
Shakhsiyaad badan ayaa aaminsan in nidaamka dowlad wadaajinta uu wax ka beddelay horumarka wadanka.
Hasa ahaatee, qaar badan ayaa aaminsan in nidaamkan uu sidii laga filayay aan wali u shaqeyn ama heerkii laga doonayay uuna wali gaarin.
Dhanka kale, senetarka ismaamulka Tana River Danson Mungatana ayaa sheegay in aqalka sare uusan u codeyn doonin in la kordhiyo tirada ismaamullada wadanka.