9 qof oo xanuun looga shakiyay duumada ugu dhintay Marsabit

0
468

Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in 9 ruux ay u dhinteen xanuun looga shakiyay inuu duumo yahay oo ka dillaacay ismaamulka Marsabit.
Dhibaatadan ayaa laga soo tabiyay tuulada Kargi ee deegaanka Loiyangalani.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shacabka halkaasi ku nool aynan u suurtagelin inay tagaan isbitaalka wayn ee Marsabit maadaama waddada aynan wanaagsanayn.
Dadka dhintay ayaa isugu jiro shan rag ah, saddex haween iyo canug.
Guddoomiye xaafadeedka sare ee tuulada Kargi Moses Galory ayaa wakaaladda wararka dalka ee KNA u sheegay in ugu yaraan 60 qof oo duumada looga shakisan yahay ay ku xanuunsan yihiin guriyahooda.
Baaritaano lagu sameeyay 27 ruux ayaa shan ka mid ah la xaqiijiyay inuu haleelay xanuunka duumada.