Ciidamada booliiska ayaa shalay 9 qof oo dheeraad ah ka soo badbaadiyay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Waxaa dadkan ka mid ah shan carruur ah iyo afar qof oo waawayn oo saddex ka mid ah ay xaaladooda caafimaad liidato.
Tani ayaa tirada guud ee dadka ilaa iyo hadda halkaasi laga soo samatabixiyay ka dhigaysa 81 ruux.
Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay hal qof oo dheeraad ah tani oo tirada dadka lala xiriirinaya meydadka lagu aasay keyntaasi ee ilaa iyo hadda ay laamaha ammaanka qabteen ka dhigaysa 27.
Dhanka kale dowladda dhexe ayaa wacad ku martay in tallaabo adag oo dhanka sharciga ah laga qaadaya madaxda kaniisadaha ee marin habaabiya dadka taabacsan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa digniintan jeediyay xilli uu ku sugnaa kaniisadda AIC ee Milimani ee ismaamulka Nairobi.
Iyadoo keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi laga soo saaray meydad kor u dhaafaya 200 ayuu madaxweynaha ka codsaday kenyaanka inay fursad siiyaan dowladda si looga sal gaaro baaritaannada socdo.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa uunan marnaba ka gaabin doonin la tacaalidda baadariyaasha dhibaatooyinka u horseeda dadka ku xiran.
Waxaa uu ku celceliyay in aan marnaba loo dulqaadan karin in diin si khaldan loo adeegsado si loo waxyeeleeyo qayb ka mid ah bulshada.
Digniinta hoggaamiyaha dalka ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay weli xabsi ku jiraan baadariga kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi Paul Mackenzie, xaaskiisa iyo 15 qof oo kale oo wajahaya dacwad argagixisannimo.
Meydadka laga helay Shakahola ayaa ah dad uu baadarigan ka dhaadhiciyay inay cuntada ka afxirtaan ilaa ay ka geeriyoodeen.
Waxaa madaxweynaha dalka wehelinayay xildhibaanka deegaanka Kiharu Ndindi Nyoro, James Gakuyo (Waqooyiga Embakasi), John Kiarie (Koonfurta Dagoretti), Augustine Kamande (Roysambu) iyo Ronald Karauri (Kasarani).
Siyaasiyiintan ayaa kenyaanka ugu baaqay inay dowladda dhexe garab ku siiyaan dib u soo nooleynta dhaqaalaha.
Waxay sheegeen inay ku kalsoon yihiin in madaxweynaha uu isbeddel ku sameyn doono xaaladda dhaqaale ee hadda jirta.