9 musharrax oo u tartamaya kursi baarlamaneedka Waqooyiga Mbeere

0
401

Xisbiga talada dalka haya ee UDA ayaa qabtay shir istaraatiiji ah oo uu doonaya inuu ku xoojiyo awoodiisa siyaasadeed ee ismaamulka Embu.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday in ilaa 9 musharrax ay loollan ugu jiraan kursi baarlamaneedka deegaanka Waqooyiga Mbeere ee dowlad deegaankaasi.
Kulanka oo labo cishe qaatay ayaa ka qabsoomay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Guddoomiyaha xisbiga UDA ahna barasaabka Embu ,Cecily Mbarire oo shirka guddoominaysay ayaa carrabka ku adkeysay muhiimadda qiyamka hufnaanta iyo cadaaladda.
Waxay musharraxiinta u xaqiijisay in si daahfuran oo lagu kalsoon yahay loo kala saari doono.
Kursiga deegaanka Waqooyiga Mbeere ee ismaamulka Embu ayaa bannaanaaday ka dib markii xildhibaankii halkaasi ku matalayey baarlamaanka Geoffrey Ruku loo magacaabay wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha iyo horumarinta karaanka aadanaha.