Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in ay shaqaaleysiisay 9 aqoonyahaan oo ku takhasusay qiimeynta lagu sameeyo dokumeentiyada.
Waxay saraakiishan dabagal ku sameyn doonaan dokumeentiyada been abuurka ah.
Khuburradan ayaa shahaadooyin la guddoonsiiyay ka dib tababarro ay ka qaateen machadyo ku yaalla Faransiiska , Australia, India iyo Suudaan.
Agaasimaha guud ee DCI, Mr. George Kinoti ayaa saraakiishan kula dardaarmay in iyagoo aqoontooda adeegsanaya ay shacabka si hufan ugu adeegaan.