Waxaa isbitaal ku yaalla ismaamulka Nandi ee gobolka Rift Valley la dhigay sagaal ka mid ah ardayda dugsiga hoose dhexe ee Keteng ee deegaan baarlamaneedka Nandi Hills.
Tani ayaa timid ka dib markii ardaydan ay ka soo dhaceen geed ay miro ka guranayeen oo ku dhex yaalla dugsiga.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ardayda ay la jabtay laan ka mid ah geedka ay saarnaayeen waxaana sidoo kale dhaawacmay kuwo geedka hoostiisa taagnaa.
Qaar ka mid ah ardayda oo dhaawacyada laga daaweeyay ayaa isbitaalka laga saaray waxaana weli la daryeelaya hal arday oo uu soo gaaray dhaawac culus sida uu warbaahinta u sheegay madaxa isbitaalka deegaanka Nandi Hills ,Richard Chepkwony.