Xildhibaanadda laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Malindi ee ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta Amina Mnyazi ayaa sheegtay in ay suuragal tahay in baarlamaanka uu ansixiyo hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Waxay tani u aaneysay in xubnaha mucaaradka ee Azimio looga badan yahay baarlamaanka sidaasi awgeedna siyaasiyiinta isbeheysiga talada waddanka haya ee Kenya Kwanza ay adeegsan karaan aqbaliyadda ay ku leeyihiin golaha qaran ee xeer dejinta.
Hasa ahaate, waxay siyaasiyiinta garabka muxaafidka ugu baaqday in ay dadweynaha u daneeyaan.