Afhayeen u hadlay maamulka Hong Kong ayaa sheegay in la buriyay ama waxba kama jiraan laga soo qaaday baasaboorrada 6 qof oo dalkaasi iskaga cararay.
Shakhsiyaadkan oo uu ka mid yahay xildhibaan hore Nathan Law ayaa la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha Ingiriiska.
Hong Kong oo 6-da qof oo u ololeeya arrimaha dimuqraadiyadda ku tilmaantay dambiilayaal la doondoonaya ayaa waxay dhanka kale ka mamnuucday in ay gudaha Hong Kong ka sameeyaan howlo ganacsi ama maaliyadeed.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in dadkan ay weli ku howlan yihiin arrimo khatar ku ah amniga qaran ee Hong Kong.