Wasiirka arrimaha gudaha oo digniin u diray laamaha ammaanka ee Kisii iyo Nyamira

0
147

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa laamaha ammaanka ee ismaamullada Kisii iyo Nyamira ka dalbaday inay si buuxda uga soo baxaan waajibaadka ka saaran xaqiijinta amniga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay isku shaandheyn ku sameynaysa saraakiisha ammaanka.
Sidoo kale waxaa la guda galay baaritaano la xiriira falal dambiyeedyo rabshadeysan oo ku soo kordhay Kisii iyo Nyamira.
Wasiir Kindiki ayaa maanta sheegay in dambi baarayaal khaas ah la geeyay dowlad deegaanka Kisii si ay baaritaano u sameeyaan ka dibna gacanta loogu soo dhigo cid kasta oo ku lug leh qorsheynta , maalgelinta iyo gaysashada falal dambiyeedyada laga soo tabiyay qaybo ka mid ah ismaamulkaasi.
Kindiki oo kulan la qaatay ciidamada ammaanka ee ismaamullada Kisii iyo Nyamira ayaa ku amray inay mudnaan siiyaan ka hor tagga amni darrada sidoo kalena ay si adag u dhaqan geliyaan xeerarka degsan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in siyaasadda ay ku shaqeyso dowladda talada haysa ay tahay in aan la siyaasadeyn arrimaha amniga iyo fulinta xeerarka wax lagu maamulo.
Wasiirka ayaa ciidamada ammaanka iyo kuwa qaabilsan maamulka ku boorriyay in aynan shacabka u kala eexan oo ay si siman ugu adeegaan.
Sidoo kale waxaa uu ka digay in tartan siyaasadeed aan qiil looga dhigin abuuridda rabshadaha.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in kastoo tartanka siyaasadeed uu dastuuri yahay oo la oggol yahay haddana in ay dhanka kale sharci darro tahay oo aan marnaba la aqbali doonin adeegsiga rabshadaha.
Kindiki ayaa xusay in tallaabooyinka ay dowladdu ku xaqiijinaysa badqabka shacabka ay ka mid tahay in taliyaasha ciidamada ammaanka lala wadaagay hal-beegyo laga doonayo inay ku guulaystaan iyo qiimeyn joogto ah oo lagu sameynaya waxqabadkooda si loo wanaajiyo adeegyada dadweynaha.
Wasiir Kindiki ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladdu ay ka go’an tahay yareynta noocyada kala duwan ee xadgudubyada sida dilalka haweenka, shaqaaqooyinka qoyska iyo isticmaalka muqaadaraadka.