Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) ayaa sheegaya in loo soo gudbiyay codsiyo dhan 800,000 oo ay qaar ka mid ah kenyaanka ku doonayaan in loo beddelo goobihii ay horay uga codeyn jireen.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay in codsiyadan ay ka soo gaareen dhammaan 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay.
Chebukati ayaa xusay inuu meel wanaagsan maraya u diyaar garowga maareynta doorashada guud ee sanadkan.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in bisha Afaraad ee sanadkan , IEBC ay sifeyn doonto diiwaankeeda codbixiyeyaasha.
IEBC ayaa intaasi ku dartay inay aad ugu dadaalayso sidii doorashada guud oo ay naga xigto wax ka yar 5 bilood ay u noqon lahayd mid xor iyo xalaal ah.