Waxaa ururka baarlamaanka ee waddamada barwaaqa sooranka ah ee (CPA) qaybtiisa Kenya ku biiray 8 mudanayaal oo dalka matali doono.
Xubnahan ayaa ka tirsan guddiga fulinta waxayna wadanka u qaabilsan yihiin matalaadda heer gobol iyo heer caalami ee Commonwealth.
Xildhibaannadan ayaa kala ah Janet Sitienei oo laga soo doortay deegaanka (Turbo), Adan Keynan ( Ceeldaas), Caroline Ng’elechei (Elgeyo Marakwet), Catherine Omanyo ( ismaamulka Busia) , Musili Mawathe (Koonfurta Embakasi).
Dhanka aqalka sare waxaa laga soo xushay Hillary Sigei (Bomet), Senator Esther Okenyuri ( magacaabid) iyo Hezena Lemaletian ( magacaabid).
Doorashada ay siyaasiyiintan ku soo baxeen waxaa kala guddoominayay Amason Kingi oo ah guddoomiyaha aqalka sare iyo dhigiisa baarlamaanka Moses Wetang’ula.