Waxaa maxkamad la soo taagay 8 qof oo horay uga mid ahaa shaqaalaha dowladda ismaamulka Isiolo.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa fadeexad sanad maaliyadeedkii 2018/2019-kii lagu lunsaday 58.5 milyan oo shilin iyo inay awoodooda xafiiseed ku tagriifaleen.
Sidoo kale waxaa lagu soo oogay dacwad ah in aynan u hoggaansamin xeerarka qandaraasyada oo ay si sharci darro ah ku heleen hanti dadweyne.
Hasa ahaate waxay dhammaantood iska fogeeyeen dacwadihii lagu soo oogay waxayna maxkamadda ku siidaysay damaanad lacageed oo ah 400,000 oo shilin ama wax u dhigma 3 milyan oo damaanad ah.
Kiiska ay wajahayaan ayay maxkamaddu soo qaadi doontaa 6-da bisha Labaad ee sanadkan iyadoo warqadaha lagu xiraya loo jaray eedeysanayaasha kale ee baxsadka ah.




