Saraakiisha ammaanka ee galbeedka Transmara oo ka tirsan ismaamulka Narok ayaa xabsiga u taxaabay maamule dugsi iyo toddobo qof oo kale.
Waxaa loo haystaa inay sameeyeen khiyaano la xiriirta imtixaanaadka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Maamulaha la xiray ayaa madax ka ah dugsiga sare ee Osonkoroi.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matalo galbeedka Trans Mara Maxamad Xasan Nuur ayaa arrintan xaqiijiyay.
Waxaa uu sheegay in toddobada qof ee kale ay yihiin maamule ku xigeen, xisaabiyaha dugsiga, labo sarkaal oo booliis ah, labo macallin oo imtixaanaadka ilaalinayay iyo kormeere.
Waxaa uu sheegay in eedeysanayaasha hadda ay baaritaano marayaan oo marka la soo gabagabeeyo su’aallo waydiinta ka dib maxkamadda la soo taagi doono.
8-ada qof ayaa ku eedeysan inay sawirro ka qaadeen warqadaha imtixaanka ka dibna ay ku faafiyeen baraha bulshada.




