8 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday Jarmalka

0
317

Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay dhimashada 8 ruux ka dib toogasho lagu bartilmaameedsaday kaniisad ku taalla magaalada Hamburg ee waqooyiga dalka Jarmalka sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.
Falkan ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo kale.
Weerarka lala eegtay xarunta Jehovah Witnesses centre ayaa la soo tabiyay abaare 9-ka fiidnimo ee xalay ee saacadda dalkaasi.
Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa falkaasi cambaareeyay wuxuuna sheegay in dowladda Faransiiska iyo shacabkeeda ay muruga la qaybsanayaan saaxiibadooda Jarmalka.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka Nancy Faeser ayaa sheegtay in dambi baarayaal ay eegayaan sababta ka dambeysay in toogashada ay dhacdo.
Majallada toddobaadlaha ee News weekly Der Spiegel ayaa ku warramaysa in weerarka looga shakiyay qof horay xubin uga ahaa bulshada Jehovah Witness community oo aan lagu aqoon xagjirnimo.
Waxay majalladu intaasi ku dartay in eedeysanaha ay da’diisu u dhexeysa 30 ilaa 40 oo uuna hubeysnaa.