8 qof oo ku dhimatay toogasho ka dhacday dalka Maraykanka

0
219

Waxaa lagu soo warramaya in nin hubeysan uu toogasho ku dilay siddeed qof halka uu dhaawacay ugu yaraan toddobo kale.
Falkan ayaa laga soo tabiyey goob laga dukaameysto oo ku taalla waqooyiga magaalada Dallas ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka.
Gacan ku dhiiglaha oo ay mas’uuliyiintu aaminsan yihiin inuu keligiis falka gaystay, ayaa waxaa toogtay saraakiisha booliiska.
Taliyaha booliiska ee magaalada Dallas Brian Harvey ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ka sheegay in laba ka mid ah dadka dhintay ay ku geeriyoodeenn isbitaalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu aad u liidata.
Xarunta caafimaadka ee Medical City Healthcare ee magaalada Dallas ayaa bayaan ku sheegtay in dadka dhaawacmay ee la daaweynaya ay da’doodu u dhexeyso 5 sano ilaa 61 sano.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ka dambeysay inuu weerarkan fuliyo.
Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden lagu wargaliyay weerarka toogashada ah, islamarkaana maamulkiisa uu taageero u fidiyay mas’uuliyiinta deegaanka.
Sanadkan keliya waxaa gudaha Maraykanka laga diiwaangeliyay toogasho wadareed dhan 198 tiradan oo ah midii ugu badnayd tan iyo sanadkii 2016-kii.