8 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Makueni

0
266

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada sideed qof halka dhowr kalena ay dhaawacmeen ka dib shil xalay laga soo tabiyay ismaamulka Makueni.
Shilka oo ka dhacay aagga Mlima Kiu ayaa u dhexeeyay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee Mataatuuda iyo baabuur xamuul qaada.
Waxaa shilka iyo khasaare nafeed ee ka dhashay warbaahinta y xaqiijiyay taliyaha booliiska ee ismaamulka Makueni Barbanas Ng’eno.
Waxaa uu sheegay in shilka uu dhacay abaare 11-kii habeenimo oo ay 8-da qof ee rakaabka ahaa isla goobta ku dhinteen.
Mataatuuada oo ka timid Loitoktok ayaa ku soo wajahnayd Nairobi halka baabuurka xamuulka uu u jeeday Mombasa.
Meydadka dadka dhintay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Kilungu.
Tani ayaa tirada dadka ee 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ku dhintay shilal ka dhacay inta u dhexeysa ismaamullada Nairobi iyo Mombasa ka dhigaysa 20.