8 qof oo ku dhimatay diyaarad ku burburtay Giriigga

0
371

Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan diyaarad ahayd nooca xamuulka qaada oo ku burburtay wadanka Giriigga.
Wasaaradda difaaca ee dalka Serbia ayaa xaqiijisay inay geeriyoodeen dhammaan 8 qof oo shaqaale ah oo ay diyaaraddu sidday.
Shilka ayaa laga soo tabiyay meel u dhow magaalada Kavala ee wadanka Giriigga.
Wasiirka gaashaandhigga ee Serbia Nebojsa Stefanovic ayaa sheegay in diyaaradda oo laga leeyaahy Ukraine oo ah nooca Antonov An-12 ay sidday miinooyin iyo ilaa 11 taan oo hub ah.
Waxay ku wajahnayd dalka Bangladesh ka hor inta aynan xalay burburin.
Muuqaallo ay goobjoogayaal ku faafiyeen baraha bulshada ayaa muujinaya diyaaradda oo gubanaysa ka dib markii ay dhulka ku soo dhacday.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in diyaaraddu ay abaare 8:40 fiidnimo ee Sabtidii shalay ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Nis airport ee dalka iyadoo waday hub ay leedahay shirkad gaar ah oo ka howlgasho dalkaasi oo uu wasiirku magaceedu ku sheegay Valir.