Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay inay suurtagal tahay in laga billaabo bisha saddexaad ee sanadkan , 8 milyan oo ka mid ah dadweynaha ku nool wadanka Yemen ay waayaan gargaarka baniaadannimo ee loo fidiyo.
Tani ayaa loo aaneeyay dhaqaale la’aan lagu sheegay mid aan horay loo arag.
Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Yemen Hans Grundberg iyo madaxa gargaarka baniaadannimo ee UN-ta Martin Griffiths ayaa golaha ammaanka ee UNSC u sheegay in bishii koowaad ee sanadkan, la dhimay ama la joojiyay ku dhawaad laba meelood saddex meel barnaamijyadii samafalka.
Arrintan ayaa lagu saleeyay inay meesha ka baxeen deeqihii lacageed ee barnaamijyadan lagu maalgelin jiray halka sidoo kale dagaallada Yemen ay sii laba jibbaarmeen.
Dalka Yemen ayay tan iyo sanadkii 2014-kii ka taagan yihiin iskudhacyo u dhexeya kooxda Xuutiyiinta iyo saraakiisha dowladda ee garab ka helaya isbeheysiga militari ee uu hoggaaminayo Sacuudiga.
Bishii Jannaayo ee sanadkan keliya waxaa duqeymo dhanka circa ah gudaha Yemen lagu dilay in ka badan 650 qof oo rayid ah.
Dagaallada dalkaasi ayaa horseeday xaalad baniaadannimo oo lagu tilmaamo midii ugu darneyd ee dunida waxayna qaramada midoobay hadda ka digaysa inay danta ku qasbi doonto inay gebi ahaanba joojiso barnaamijyo nolol badbaadin ah.