8 eedeysanayaal oo ay ka mid yihiin booliis oo loo xiray maxaabiis xabsi ka baxsaday

0
342

Waxaa xabsiga loo taxaabay 8 eedeysanayaal ah oo ay ka mid yihiin saraakiil sare oo booliis ah.
Tani ayaa timid ka dib markii ay saaka saldhigga booliiska ee Gigiri ee magaalada Nairobi ay ka baxsadeen 13 qof .
Waxaa maxaabiista baxsaday ka mid ahaa Collins Jumaisi oo ah tuhmanaha ugu muhiimsan ee lala xiriirinaya dilka 42 haween ah oo qaarkood meydadkooda laga helay goobta qashin qubka ee Kware ee ismaamulka Nairobi.
Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Gilbert Masengeli ayaa sheegay in shakhsiyaadka la xiray ay ka mid yihiin taliyaal.
Eedeysanayaasha la xiray ayaa laga doonaya in ay caddeyaan sida ay ku suurtagashay in 13-ka qof ay gooyeen deyndaabka saldhiggaasi oo ay halkaasi ka baxsadeen.