Ugu yaraan 8 askari oo ka tirsan ciidamada booliiska dalka Nigeria ayaa lagu dilay weerarro kala duwan oo ay fuliyeen kooxo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin fallaago ka dagaalanta Koonfurta bari ee wadankaasi.
Weerarradan ayaa ku soo aadaya maalmo un ka hor doorashada madaxtinimada ee dalkaasi 25-ka bishan ka qabsoomi doonto.
Afar sarkaal ayaa lagu dilay weerar shalay lagu qaaday saldhig booliis oo ku yaalla gobolka Anambra ee dalka Nigeria.
Afhayeen u hadlay booliiska maxalliga oo lagu magacaaba Tochukwu Ikenga, ayaa sheegay in lagu raadjooga tuhmanayaal dabayaaqadi toddobadkii hore gaystay dilka afar saraal oo kale oo booliis ah.
Tochukwu Ikenga ayaa xusay in fallaagada weerarrada gaysatay ay isticmaaleen aaladaha qarxa iyo hub.
Waxaa uu intaasi ku daray in kooxda weerarka soo qaaday ay gubeen hal baabuur oo uu booliiska lahaa iyo saddex gaari oo goobta weerarka laga fuliyay yaallay.
Saddex ka mid ah fallaagadi weerarka soo qaadday ayaa sidoo kale si xun loo dhaawacay halka laba kalena la xiray.
Booliiska ayaa ku eedeyay weerarradan koox fallaago ah oo loo yaqaanno Indigenous People of Biafra (IPOB), kuwaas oo u dagaallamaya madax bannaanida qowmiyadda Igbo ee dega Koonfur bari ee dalka Nigeria.
Hasa ahaate kooxdan ayaa iska fogeysay mas’uuliyadda weerarrada joogtada ah ee ka dhaca gobolkaasi.
Weerarradan ayaa ku soo beegmaya iyadoo la muujiyay cabsida laga qabo awoodda ciidamada ammaanka Nigeria si ay u difaacaan codbixiyayaasha ee maalinka Sabtida u dareeri doona goobaha codbixinta.