8 Arday oo ku dhaawacmay shil ka dhacay Kirinyaga

0
310

Waxaa la xaqiijiyay inuu dhintay hal macallin iyadoo 8 arday iyo maamulaha dugsi si gaar ah loo leeyahay ay soo gaareen dhaawacyo culus ka dib markii ismaamulka Kirinyaga laga soo tabiyay shil u dhexeyay labo bas.
Shilka ayaa ka dhacay waddada u dhexeysa magaalada Kagio iyo tuulada Baricho ee degmada Ndia.
Labada bas ee isku dhacay ayaa laga leeyahay dugsiga hoose dhexe ee Kutus oo ku yaalla deegaanka Mwea iyo Trinity Academy ee degmada Ndia.
Shilka ayaa dhacay aroornimadii hore ee maanta xilli ardayda la geynaya dugsiyada.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dhacdadan ay timid ka dib markii mid ka mid ah wadayaasha baabuurta uu gaariga xakameyn waayay xilli uu isku dayayey inuu ka leexdo baska kale oo uu arday raacayay.
Dhaawacyada ayaa la geeyay isbitaalka Kerugoya si loo daaweeyo halka meydka macallinka geeriyooday la dhigay goobta meydadka ee isbitaalkaasi.