DHAGEYSO:Raila Odinga oo siyaasiyiinta ODM ugu baaqay in aynan xilligan siyaasad ku mashquulin

0
225

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja -One Kenya ,Raila Odinga ayaa siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga ODM ee haya xilalka kala duwan ugu baaqay in ay waqti xaadirkan diiradda saaraan u adeegida shacabka.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay in qofka mas’uulka ah laga doonayo inuu muddada shanta sano ah ee uu xafiiska joogo uu dadweynaha u adeego oo uunan xilli hore olole u gelin in dib loo soo doorto.
Waxaa uu wakiillada deegaannada hoose , xildhibaannada , wakillada haweenka , senatarrada iyo barasaabyada ODM u sheegay in haddii qofka hoggaamiyaha ah uu waxqabadkiisu wanaagsan yahay ay suurtagal tahay in mar kale la doorto.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in xubnaha ODM oo xilli hore olole billaaba aynan xisbigu dani ugu jirin maadaama lagu kala qaybsamaya.

Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta oo uu ka daahfuray diiwaangelinta xubnaha cusub ee xisbiga ODM ee uu hoggaamiyo.
Waxaa uu dhanka kale ku andacoonaya in madaxweynaha wadanka William Ruto uu saameyn ku yeeshay ama sida uu hadalka u dhigay ay u afduuban yihiin baarlamaanka iyo waaxda cadaaladda ka dib kulankii dhawaan ka qabsoomay aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi.
Raila ayaa kulankii Isniintii ku tilmaamay mid lagu cabsi gelinayay garsoorayaasha si aynan uga soo horjeedsan qorshayaasha golaha fulinta ee dowladda dhexe.
Waxaa uu madaxa Azimio hoosta ka xarriiqay in shirkaasi la doonayay inay qabtaan guddiyo dhexdhexaad ah oo uunan u dhexeyn hoggaanka saddexda laamood ee dowladda.
Sidoo kale waxaa uu dhaliil u jeediyay baarlamaanka isagoo sheegay in xildhibaannada aynan hadda hindise sharciyeedyada kala duwan uga doodin sidii kuwii ka horreeya balse ay ku degdegaan ansixintooda.