Tirada dhimashada ee ka dhalatay roobabka culus ee ka da’ay dalka Shiinaha oo ay sidoo kale saameysay duufaan ayaa gaartay ugu yaraan 78 qof.
Dhibaatada ugu badan ayaa laga soo tabiyay waqooyiga wadankaasi.
Maamullada Shiinaha ayaa ka digaya daadad iyo dabeylo dheeraad ah.
Waxaa weli socdo howlaha samatabixinta iyadoo roobabka da’ay la sheegay inay heerkii ugu sarreeyay gaareen muddo 140 sano ah.