Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Ukraine Iryna Vereshchuk ayaa sheegtay in shalay gudaha magaalada Mariupol laga soo daadgureeyay 765 qof.
Dadkan ayaa waxaa soo daabulay baabuur si gaar ah loo leeyahay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in koox qaabilsan bixinta gargaarka baniaadannimo aynan weli u suuragelin inay galaan magaaladaasi oo ay si wayn u go’doomiyeen weerarrada militari ee Ruushka.
Vereshchuk ayaa xustay in dadka laga soo daadgureeyay Mariupol ay gaareen magaalada Zaporizhzhia oo ilaa 226 kiilomitir dhanka waqooyi galbeed kaga beegan Mariupol.