Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha oo baaq u diray ismaamullada

0
163

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in ismaamullada laga doonayo inay kabaan dadallada ay dowladda dhexe uga falcelinaysa saameynta ka dhalatay daadadka wadanka ku dhuftay.
Omollo ayaa xusay in dowladda sare ay weli gudanaysa waajibaadkeeda gaar ahaan xaqiijinta badqabka shacabka.
Waxaa uu ismaamullada ku boorriyay inay iyagana caawiyaan dadka wajahaya xaaladaha adag ee ka dhashay roobabka culus ee El Nino ee dalka ka da’aya.
Raymond Omollo ayaa sheegay in xarunta howlaha qaran ee ka dhanka ah musiibooyinka ay hoos tagto waaxda arrimaha gudaha oo ay kenyaanka u soo gudbin doonto warbixinno ku aaddan falcelinta dowladda.
Arrintan ayuu ka sheegay deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya.
Waxaa uu xoghayaha dhanka kale dadweynaha deggan meelaha uu jooggodu hooseeyo kula taliyay inay u guuraan meelo sare oo ay uga badbaadi karaan saameynta fatahaadaha.