Mudanayaasha laga soo doortay deegaannada hoos tago ismaamullada gobolka Waqooyi Bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera oo maanta shir jaraaid qabtay ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay daadadka wadanka ku dhuftay u aqoonsato musiibo qaran.
Xildhibaan Aadan Xaaji Yuusuf oo laga soo doortay deegaanka Galbeedka Mandera oo warbaahinta Star faahfaahin ka siiyay kulankooda ayaa ka hadlay saameynta ay daadadka ku yeesheen gobolka Waqooyi Bari.
Waxaa uu xusay inay ka cabsi qabaan in cudurrada biyaha ku faafa ay dillaacaan.
Waxaa uu tilmaamay in falcelinta dowladda dhexe ee ku aaddan fatahaadaha ay tahay mid hooseysa.
Xildhibaanka ayaa carrabka ku adkeeyay inay doonayaan in si degdeg ah loogu dhawaaqo khatarta daadadka si beesha caalamka garab looga helo.
Xildhibaan Cabdi Cali Cabdi oo baarlamaanka ku matalo deegaanka Ijara ee Garissa ayaa sheegay in deegaankaasi uu muddo saddex toddobaad ah go’doonsan yahay.
Sidoo kale waxaa uu u tacsiyadeeyay qoyskii uu ka baxay maamule ku xigeenkii dugsiga hoose dhexe ee Masalani Primary oo ay waxyeello ka soo gaartay diyaarad .
Shacabka Ijara ayuu u sheegay inuu u hayo gargaar cunno balse ay caqabad ka taagan tahay sidii lagu gaarsiin lahaa.