DHAGEYSO:Xildhibaannada soomaalida ee Kenya oo dalbaday inuu xurriyadiisa helo Cismaan Khaliif oo xiriiriye ka ah dowladda hoose ee Nairobi

0
282

Qaar ka mid ah xildhibaannada soomaalida ee dalka ayaa dowladda ka dalbaday inay maxkamadda soo taagto ama ay xurriyadiisa dib ugu soo celiso Cismaan Khaliif Cabdi oo ahaa sarkaal xiriiriye ka ah dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi.
Cismaan ayaa maalmo ka hor laga afduubtay magaalada Nairobi , ilaa iyo haddana lama helin.
Xubnaha qoyskiisa ayaa warbaahinta u sheegay in dad aan magacyadooda u sheegin ay Jimcihii la soo dhaafay ku amreen inuu galo baabuur xilli uu ku sugnaa afaafka xarunta ganacsiga ee Sarit Center ee magaalada Nairobi.
Mas’uuliyiin ay hor kacayaan xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi Yuusuf Xasan Cabdi iyo dhigiisa deegaanka Garissa Township Major Deeqow Maxamad Barrow ayaa ku baaqay in haddii Cismaan uu wax dembi ah galay in dacwad lagu soo oogo haddii kalena lagu soo daayo muddo 24 saacadood gudahood ah isagoo nabad qaba.
Mudanayaasha ayaa xusay in dowladda ay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta badqabka muwaadiniinta .
Xildhibaanka Kamukunji Yuusuf Xasan Cabdi ayaa dhankiisa sheegay in wiilka la la’yahay maalinkii 6-aad taasina ay walaac ka muujinayaan.
Senatarka ismaamulka Marsabit , Maxamad Saciid Chute ayaa sheegay inay jiraan saraakiil dowladeed oo dadweynaha ku xadgudbaya.
Waxaa uu xusay in aynan codsanayn in Cismaan Khaliif la soo siidaayo balse ay dalbanayaan oo haddii aan tani la tixgelin ay cabasho u gudbin doonaan madaxweynaha dalka William Ruto.

Cismaan Khaliif Cabdi ayaa intii u dhexeysay 2017-kii ilaa 2022-kii ahaa wakiilka deegaanka hoose ee South C ee caasimadda dalka.