Waaxa shalay iska hor imaad ka dhacay suuqa xoolaha ee magaalada Garissa.
Iska hor imaadka ayaa waxaa uu dhexmaray dadka suuqa ku ganacsado iyo qof la sheegay in u doonayay inuu dhisto qayb ka mid ah suuqa gudihiisa kaas oo sheegay inuu haysto warqad caddeyn ah oo uu ku dhisanayo suuqa xoolaha.
Waaxa arrintan iyo sidii u wax u dhaceen warbaahinta Star uga warramay Axmad Xasan Cabdullaahi oo ah guddoomiyaha suuqgeynta xoolaha ee ismaamulka Garissa.
Waxaa sidoo kale arrintan ka hadlay, Maxamad Xasan Cusmaan oo ah maamulaha xafiiska degma waaxeedka ee magaalada Garissa kaas oo sheegay in xafiiskiisa aysan ka soo bixin warqad dhul lagu dhisayo.