Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in baarlamaanka dalka uu qaadan doono go’aanka kama dambeyska ah ee ku aaddan qorshaha 1,000 ka mid ah ciidamada booliiska lagu geynaya dalka Haiti.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kiambu ayuu Kindiki sheegay in dastuurka wadanka uu baarlamaanka awood u siinaya inuu ansixiyo howlgallada amni ee dibadda.
Waxaa uu xusay in sida ku qeexan farqada 240-aad ee dastuurka dalka , baarlamaanka iyo aqalka sare ay fursad u heli doonaan inay ansixiyaan ama hor istaagaan qorshaha dowladda.
Waxaa uu dhanka kale Kindiki beeniyay in haddii ciidamo la geeyo Haiti ay tani saameyn ku yeelanaysa amniga dalka.
Waxaa in badan oo ka mid ah dhulka Haiti maamulo kooxo hubeysan .
Wadanka Haiti ayay rabshado ka jireen tan iyo bishii Toddobaad ee sanadkii 2021-kii xilligaasi oo la dilay madaxweynihii dalkaasi Jovenel Moïse
Qaramada midoobay ayaa dhankeeda sheegtay in tan iyo billowgii sanadkan in ugu yaraan 2,400 oo qof lagu dilay shaqaaqooyinka ka taagan Haiti ee hadda la doonaya in ciidamada booliiska ee Kenya ay qayb ka noqdaan xal u helidooda.




