In ka badan 1,000 qof oo ku dhimatay dhulgariir ka dhacay Afghanistan

0
348

Ugu yaraan 1,000 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen galbeedka dalka Afghanistan ka dib dhul gariir xooggan oo halkaasi ku dhuftay.
Saraakiisha maxalliga ee wadankaasi ayaa cabbirka dhul gariirka ku sheegay 6.3.
Maamullada Afghanistan iyo qaramada midoobay ayaa sheegay inay suurtagal tahay in tirada dhimashada ay sii kororto maadaama ay weli socdaan howlaha samatabixinta.
Musiibadan ayaa laga soo tabiyay meel 40 kiilomitir dhanka galbeed uga beegan magaalada Herat iyadoo saameynta dhibaatadan laga dareemay gobollada dariska ah ee Badghis iyo Farah .
Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Afghanistan ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 4,200 ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay dhulgariirka.