Saddex qof oo ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ah oo ay soomaalida ka mid tahay ee ku nool ismaamulka Lamu ayaa la waayay ka dib markii ay afduubteen dad aan wali la aqoonsan.
Dadkan ayaa xilligii la waayay daajinayay xoolahooda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saddexda qof la waayay bil ka hor ilaa iyo hadda wax war ah lagama hayo iyo goobta ay ku sugan yihiin.
Qaar ka mid ehellada dadka maqan oo warbaahinta la hadlay ayaa booliiska ku tuhmaya inay og yihiin goobta lagu hayo saddexda qof ee maqan.