Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Sharrif Nassir ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa uunan oggolaan doonin qorshaha dowladda dhexe ay ku doonaysa in dekadda ismaamulkaasi lagu wareejiyo shirkad gaar ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani aynan marnaba dhici doonin.
Waxaa uu su’aal geliyay sababta aan loo wareejinayn shirkadda qaran ee duullimaadyada ee Kenya Airways oo uu sheegay in mar kasta oo ay soo hadal qaadaan loogu jawaabo in tani laga baaran degaya.