700,000 oo qaxooti ah oo ku sugan Kenya oo wajahaya macluul daran kadib markii la gooyay gargaarka

0
746

Qoxootiga ku sugan dalka Kenya ayaa wajahaya macluul sii kordhaysa oo dhanka gaajada ah ka dib markii si ba’an loo jaray cunnada gargaarka ah taasoo keentay in boqolaal kun ay halis ugu jiraan macluul, sida ay ka digtay hay’ad samafal oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka.
Guddiga Maraykanka u qaabilsan qaxootiga iyo soogalootiga (USCRI) ayaa sheegay in xaaladdu ku noqotay mid halis ah ilaa 700,000 oo qaxooti ah oo ku nool xeryaha Kaakuma, Dhadhaab iyo sidoo kale deegaanka Kalobeyei.
Kooxdu ayaa waxaa ay dhibaatadan u sababtay dhaqaalihii ugu dambeeyay ee dhacay ka dib markii Maraykanka iyo deeq-bixiyayaasha kale ay ka baxeen gargaarkii bini’aadantinimo ee muhiimka ahaa, taasoo si weyn u saamaysay howlihii ay wadday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP iyo la hawlgalayaasheeda.
Sida laga soo xigtay USCRI, raashiinka cuntada ee qaxootiga ayaa lagu soo reebay oo kaliya 28 boqolkiiba cadadka caadiga ah.
Guddiga ayaa intaa ku dartay in xaaladu ay ka sii dartay kadib markii gabi ahaanba la joojiyay kaalmadii lacagaha lagu wareejin jiray,taasi oo qaxootiga u ogolaan jirtay in ay iibsadaan raashiinka muhiimka ah oo aan ku jirin raashiinkooda bilaha ah.
USCRI ayaa waxaa ay sheegtay in xaaladda bini’aadantinimo ay si degdeg ah uga sii darayso, iyadoo qaxooti badan ay hadda gaajo u dhimanayaan.
Kooxda ayaa waxaa ay ku tilmaantay heerka cunto yarida ka jirta xeryaha in ay tahay mid aad looga naxo,iyaga oo sheegay in ay sii kordhayaan xaaladaha nafaqo darida,gaar ahaana dadka nugul.
Madaxa fulinat ee USCRI Eskinder Negash ayaa ku booriyay in la qaado tallaabo degdeg ah, isagoo ka digay in tiradu ay ka dhigan tahay qoysaska dhabta ah ee ku jira dhibaatooyin aan la qiyaasi karin.