Booliiska ismaamulka Vihiga ayaa gacanta ku dhigay nin 70 sano jir ah oo lagu eedeyay in uu faraxumeeyay gabadh 12 sano jir ah.
Taliyaha booliska ee deegaanka hoose ee Hamisi, Patrick Gogo oo xaqiijiyay dhacdadan ayaa sheegay in gabadha yar ay ahayd ardayad dhigata fasalka 3-aad ah ee dugsiyada hoose dhexe.
Waxaa uu xusay in muddooyinkii ugu dambeeyay ay halkaasi ku soo bateen kiisas la xiriira faraxumeynta ilmaha yar.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in eedeysanaha uu ku jiro gacanta booliiska islamarkaana dhawaan maxkamad la soo taagi doona.
Waxaa falkan cambaareeyay, ururrada u dooda xuquuqda aadanaha iyo xubno ka tirsan dadweynaha.