Ciidamada hawada ee dalka Nigeria ayaa sheegay inay duqeymo ku dileen in ka badan 70 dagaalyahaano ah oo xiriir la lahaa kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS.
Weerarrada ayaa ka dhacay waqooyiga Nigeria gaar ahaan dhanka xadka wadankaasi uu la wadaago dalka dariska ee Niger.
Bayaanka ka soo baxay xoogga ilaalada hawada ee Nigeria waxaa ku xusan in howlgalka ay sidoo kale ka qayb qaateen ciidamada Niger.
Aagga harada Chad ee duqeynta dhanka cirka ah laga fuliyay ayaa tan iyo sanadkii 2016-kii hooy u ahayd dagaalyahaannada ISIS ee galbeedka Afrika.
Kooxdan iyo Boko Haram ayaa 10-kii sano ee ugu dambeeyay dilay in ka badan 40,000 oo ruux halka ugu yaraan 2 milyan oo kalena ay guriyahooda ka barakaceen.