Waxaa la xaqiijiyay inay dhaawacmeen toddobo qof kadib markii shalay uu qarxay baabuur shidaal siday taasoo sababtay inay gubtaan gawaari kale oo dhowr ah.
Isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka ayaa hakad galay aroornimadii hore ee shalay ka dib markii uu dab xooggan ka kacay gaari xamuul ah oo siday gaas.
Saraakiisha booliska ayaa laga soo xigtay in shilkan uu ka dhacay agagaarka xarunta ganacsiga ee Mutarakwa ee ku taalla waddada xiriiriso Nairobi iyo Mai Mahiu .
Gaariga uu dabka ka kacay ayaa saameeyay afar baabuur oo ah kuwa sida gaarka loo leeyahay kuwaas oo goobta ka ag dhawaa, islamarkaana aad u gubteen.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Kiambu Wilson Wayanga ayaa sheegay in saraakiisha dab damiska ay ku guulaysteen in dadaal dheer ka dib ay dabka demiyaan.