7 Falastiiniyiin ah oo laga siidaayay xabsiyada Israa’iil

0
313

Waxaa xabsiyada Israa’iil laga siidaayay 7 qof oo u dhashay Falastiin.
Wiil 17 sano jir ah oo dadkan ka mid ah ayaa warbaahinta caalamiga ee Aljazeera u sheegay in la jirdilay isagoo laga dalbanayay xog ku saabsan ururka Xamaas iyo halka lagu hayo maxaabiista laga qabtay Israa’iil.
Dhanka kale, militariga Israa’iil ayaa sheegay in hal maalin gudaheeda uu Marinka Qaza ka fuliyay in ka badan 60 weerarro ah oo loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka , kuwa qummaatiga u kaca iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.