Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa billowday baaritaan ku aadan dab ka kacay jaamacadda (JKUAT) ee magaalada Juja ee ismaamulka Kiambu.
Dabka ayaa kacay abaare 3-dii aroornimo ee maanta.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabka ay ku dhaawacmeen 7 arday oo dhigta jaamacadda JKUAT.
Warar horudhac ah ayaa sheegaya in dabka uu si xowli ah ugu fiday qaybaha jiifka oo ay wiilasha seexdaan ee jaamacadda, islamarkaana daqiiqado gudahood uu ku fiday dhowr qol.
Mid ka mid ah ardayda jaamacada JKUAT oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in albaabada qolalka jiifka ay xirnaayeen markii uu dabka billowday, taasoo keentay in ardayda ay ku adkaato inay baxsadaan, maadaama ay hurdayeen.
Muuqallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya qiiq iyo dab weyn oo qabsaday daaqadaha qaybha jiifka, taasoo argagax ku abuurtay ardayda iyo dadka kale ee jaamacadda.
Waaxda caafimaadka ee jaamacadda ayaa xaqiijisay in toddobada arday ee ku dhaawacmay dabka shan ka mid ah la dhigay isbitaalka JKUAT halka labo kalena lagu daweynayo isbitaalka heerka Shanaad ee magaalada Thika.
Ilaa hadda lama caddeynin waxa sababay dabka, iyadoo ay baaritaanno socdaan.